Jabuuti(INO)- Madaxweynaha Dalka Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle oo Kumanaan dadweyne ah kula hadlay magaalada Dikhil ee Dalka Jabuuti ayaa sheegay in uu wax badan o isbedel ah ku sameynayo Dalka Jabuuti hadii uu mar kale ku guuleysto Xilka Madaxtinimo ee Dalkaasi.
Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle ayaa sidoo kale magaalooyinka waa weyn ee Dalka Jabuuti ka bilaabay ololaha doorasho ee Madaxtinimada Dalka Jabuuti.
Waxa uu sheegay in Cadaalad uu ku sii hogaaminayo shacabka reer Jabuuti isla markaana uu halkeeda ka sii wadayo hormarka Dalka Jabuuti.
Dalka Jabuuti ayaa waxa lagu wada iney doorasho ka dhacdo, waxaana Xisbiyada ka jira Dalkaasi ay loolan ugu jiraan ku guuleysiga Talada Dalka Jabuuti.
Xisbiga UNB ayaa ka mid ah Xisbiyada ugu cad cad ee a saadaalinayo iney talada Dalka Jabuuti ku guuleystaan, waxaana Xisbigaasi Musharax u ah Ismaaciil Cumar Geelle oo hada ah Madaxweynaha Dalka Jabuuti.
Hoos ka Dhageyso Codka:
Idale News Online, Jabuuti