Dhageyso:Isbedelka Itoobiya Maxay Ka Bedeli Kartaa Kacdoonka Shacabka

0
184

Addis(INO)- Ra’iisal Wasaaraha Itoobiya, Hailemariam Desalegn, ayaa isku shaandheyn ku sameeyay golihiisa Wasiirada ka dib mudaaharaadyo siyaasadeed oo horseeday in dalkaasi la geliyo xaalad deg deg ah.

Mr Hailemariam ayaa magacaabay 21 wasiir oo ay ku jiraan wajiyo cusub oo hoggaamin doono wasaaradaha maaliyada iyo arrimaha dibedda.
Barta ay dowladdu ku leedahay Twitter-ka ayaa lagu sheegay in baarlamaanka uu ansixiyay liiska cusub ee wasiirada.

Golaha wasiirrada waxaa ku jira tiro door ah oo kasoo jeeda qomwiyadda Oromoda. Isku shaandhaynta ayaa imanaysa kaidb bilo badan oo kacdoon uu waddankaasi ka socday kaas oo dhiig baan uu ku daatay.

Haddaba, isku shaandhaynta ma qaboojin kartaa xiisadda ka aloosan waddankaasi? Su’aashaas iyo kuwo kale ayaa waxaa ka jawaabay Prof. Cabdiwahaab Sheekh Cabdisamad oo wax ka dhiga Jaamacadd ku taalka dalka Kenya.

Halkan Ka Dhageyso