Hargeysa(INO)- Siyaasiga Faysal Cali Waraabe, ayaa si adag u weeraray Madaxweynaha Somaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, iyadoo dhinaca kalana uu ka digay in markale la doorto.
Faysal Cali Waraabe, ayaa waxaa uu Madaxweynaha Somaliya uu ku eedeeyay in uu dalka iibsaday, haddii doorashada sanadkaana uu ku soo baxo, ay taasi horseedi doonto baaba’a Somaliya.
“Soo maaha ninkii dhulka oo dhan iibsaday? Maalintuu meesha qabsaday shilin muu haysanin, maantana dhulkii oo dhan buu iibiyay. Haddii uu idinku soo noqdana waa baaba’iina.” Ayuu yiri Faysal Cali Waraabe.
Isagoo la hadlaayay Warbaahinta, ayuu yiri “Soo iminka Jubbaland muu bixin? Jubbaland yaa bixiyay? Yaa Aqalka Sare sameeyay? Yaa tirada badan siiyay Garoowe iyo Boosaaso? Yaa maqaamkii Banaadir duudsiiyay?”
Waraabe, ayaa ku waramaya in dadka Somaliyeed ay ka dheregsan yihiin dhibaatada uu gaystay, oo uu ku sheegay mid aanay ka soo kaban doonin Soomaali.
“Dadkoo dhan waa ogyahay, Xasan dhibaataduu Soomaali u gaystay, weligeyd ka soo kaban mayso. Haddaad ugu celisaana waa Soomaali baaba’eeda.”