Dhageyso:IGAD oo sheegtay in waqti kordhin aaney sameysan karin Dowladda Soomaaliya

0
378

Muqdisho(INO)-Wakiilka Arimaha IGAD ee dalka Somaliya Danjire Maxamed Cabdi Afeey ayaa si cad u sheegay in Madxda Dowladda Somaliya aysan sameyn karin muddo kororsi.

Afeey wuxuu sheegay arintaasi inay go’aan cad ay ka gaartay Beesha caalamka, islamarkaana aysan jirin wax muddo kororsi ah oo loo sameynaayo Hay’adaha Dowladda Federalka Somaliya ee hada shaqeeya.

“Arintaasi wax ku darista go’aan waxaa ka gaaray Beesha caalamka Muddo hada sanad laga joogo ayaa laga gaaray waxaa ka gaaray Golaha Ammaanka Qaramada Midoobay, Wax IGAD ay gaartay ma’ahan wax aniga Shaqsi ahaan Maxamed aan gaaray ma’ahan waxaa qaraarka uu ahaa go’aankana uu ahaa Beesha caalamka iyo shacabka Somaliyed lama soo dhaweyn doono in Hay’adaha hada dhisan waqti loogu daro, si ay ugu darsan karaana iima muuqato, maadaama Qaraarka uu yaallo, Wax daruuri ah oo deg deg ah oo hada suurtagalin kara in lagu daro ma jirto waqti ayeey haystaan waqti horaan bay haysteen, hadeey tallada u fadhiyaan markaa wax sabab ah oo keeni karta inay waqti lagu kordhiyo, maadaama Qaraarkii United Nation uu yaallo hade Beesha caalamka, waxa ay noqonaysaa in isbedel rasmi ah oo qaraarkaasi qaraar kale la soo saaro, maadaama hada ay inoo muuqato Doorasho qof iyo cod inaan la qaban Karin, laakiin Qaraarka noo yaallo waxaa waaye waqti laguma dari karo.” Ayuu yiri Danjire Maxamed Cabdi Afeey.

Tani ayaa meesha ka saareysa hadal hayn badan oo laga soo warinaayay Shirka Kismaayo iyo in madaxda Dowladda Somaliya ay dalbadeen in muddo kororsi loo sameyo.

Shirka ay ku tashanayaan Madaxda Somalida ayaa weli ka socda Magaalada Kismaayo ee xarunta Gobolka Jubadda hoose, welina go’aano cad cad shirkaasi kama aysan soo bixin.

Halkan Ka Dhageyso

Idale News Online, Kismaayo

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here