Muqdisho(INO)- Wakiilka ergayga gaarka ee IGAD u qaabilsan Soomaaliya Maxamed Cabdi Afeey, ayaa si cad u sheegay in dowladaha Kenya iyo Ethiopia aysan dooneynin dhibaatada ka jirta Soomaaliya iney kusii jiraan dadka Soomaaliyeed.
Audio PlayerAfeey, wuxuu sheegay in dowladaha deriska la ah Soomaaliya ineysan laheyn eeda burburka ka jira dalka Soomaaliya oo eedaasi ay leeyihiin shacabka Soomaaliyeed oo gacmahooda ku burburiyay dalka Soomaaliya.
Dhibaatada ugu daran ayuu sheegay iney tahay in ciidamadii qaranka loo badalay ciidamo qabiil, taasi oo dhibaatada sii kordhisay.
Eeda ugu badan ayuu sheegay iney leeyihiin shacabka Soomaaliyeed, loona baahan yahay in lala xisaabtamo madaxda Soomaalida.
Dowladaha deriska la ah Soomaaliya ayaa ciidamo ay ka joogaan dalka Soomaaliya kuwaasi oo qeyb ka ah howlgalka AMISOM ee Soomaaliya ka socdo.
Idale News Online, Muqdisho