Dhageyso:Howlgalo Sugid Amaan Oo Ka Socda Baydhabo Janaay

0
233

Baydhabo(INO)- Ciidamada amaanka ee magaalada Baydhabo ayaa tan iyo xalay waday howlgalo ay ku sugayaan amaanka magaaladaas,markii la dilay Taliye kuxigeenkii ciidamada amaanka ee magaalada Baydhabo oo shalay galab lagu dilay bartamaha magaaladaas.

Ciidamada ayaa ilaa xalay qabtay shaqsiyaad kala duwan oo lagu tuhmayo falal amaan daro, waxaana sidaas oo kale lasoo xiray dad uu xariir la lahaa ninkii geystay dilkii Taliye kuxigeenka ciidamada amaanka.

Saraakiisha amaanka ayaa diidey in ay tafaasiilaad dheeraad ah ka bixiyaan howlgaladii ugu dambeeyey oo ay ka sameeyeen magaalada, waxa ayna sheegeen in ay dhawaan soo bandhigi doonaan wixii ka soo baxay howlgaladan.

Wariyaasha jooga magaalada Baydhabo ayaa sheegaya in ay ciidamadu qabteen shaqsiyaad la tuhmayo, oo ay ku jiraan qaar ka mid ah eheladii ninkii dilay Taliye kuxigeenkii amaanka Baydhabo.

Halkan Ka Dhageyso.

Idale News Online, Xafiiska Baydhabo

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here