Buurhakaba(INO)- Ciidamada DF Soomaaliya qeybta 60-aad iyo ciidamada Amisom ayaa howgallo xoogan ka sameeyay deegaanka Leego ilaa magaalada Buurhakada ee gobolka Bay.
Howlgalkan ayaa waxaa lagu soo qab qabtay ciidamo Shabaab ah oo uu kamid ahaa nin la qabtay xili uu miino meel laami ah ku aasayay sida uu sheegay sargaal ciidamada dowlada katirsan.
Dhanka kale Saraakiisha dowlada ee kusugan Leego ayaa faah faahin ka bixiyay xaalada amaan ee deegaanada Leego iyo magaalada Buurhakaba.
Halkan Ka Dhageyso
Idale News Online, Buurhakaba