Dhageyso:Hanti dhowrka Guud ee DF oo kashifay qorshe lagu boobayo Lacagta Shacabka

0
194

Muqdisho(INO)- Iyadoo Maanta Gaadiidleyda gobolka Banaadir ay ku dhawaaqeen shaqo joojin ka dib markii ay sheegeen in laga qaadaayo lacago aad u farabadan oo aysan awoodin ayaa arintaas waxaa ka hadlay Hanti dhowraha Guud ee Qaranka Nuur Faarax Jimcaale iyo sidoo kale Garyaqaanka guud ee dowladda Cusmaan Cilmi Guuleed.

Garyaqaanka Guud ee dowladda Soomaaliya ayaa sheegay in aysan sharci aheyn lacagta laga qaado gaadiidleyda gobolka Banaadir ee lagu sheegay Ceymiska.

Waxaa uu sidoo kale sheegay in Shirkad si gaara loo leeyahay in aysan qaadi karin lacagaha canshuuraha ee laga qaado Gaadiidleyda dalka.

Sidoo kale Hanti dhowraha Guud ee Qaranka Nuur Faarax Jimcaale ayaa dhankiisa sheegay in dowladda Soomaaliya ay baaritaan ku sameyn doonto sababta keentay in shirkad si gaara loo leeyahay in gacanta loo geliyo Ceymiska dalka

Gaadiidleyda ayaa sheegtay in ay ogol yihiin lacagtii ay ka qaadi jirtay dowladda Soomaaliya ,laakiin ay jiraan lacago lagu sheegay caymis oo ay ka qaado shirkad Gaadiidleyda u soo martay dowladda Soomaaliya.

Magaalada Muqdisho shalay waxaa shir jaraa’id ku qabtay Gaadiidleyda ka shaqeysa Muqdisho, waxaana ay ka hadleen cabasho ay sheegeen in ay ku heyso shirkada ceymiska ee Takaaful.

Waxa ay sheegeen in ay dhib ku qabaan lacago xad dhaaf ah oo laga qaado Gaadiidleyda, taas oo aan waxba loogu qaban, inkastoo lacagaha Maamulka Gobolka Banaadir uu qaado wadooyinka lagu dhiso.

Gaadiidleyda ayaa sidoo kale waxa ay sheegeen in hada ay soo baxday shirkad cusub oo Takaaful la yiraahdo, taas oo si cad Gaadiidleyda uga qaada lacago ay ku sheegeen Ceymis, waxaana ay sheegeen in ay adeegsanayaan Ciidanka Dowladda Federaalka.