Dhageyso:Guuleed: talaaba ayaan ka qaadi doonaan Dowlad Degaanka Ismaamulka Soomaalida

0
402

Cadaado (INO)—Madaxweynaha Maamulka Galmudug, Cabdikariin Xuseen Guuleed ayaa sheegay in uusan Maamulkiisa u dulqaadan doonin Xasuuqa ka dhacaya Degaanka Kaxandhaale oo ka tirsan Mudug, ahna xadka ay wadaagaan maamulka Galmudug iyo Dowlad Degaanka Ismaamulka Soomaalida.

Isagoo sii hadalaya Madaxweynaha Galmudug, waxuu carabka ku adkeeyay in Maamulkiisa uu talaabo qaado doono hadii ay wax ka qaban waayaan Dowlad Degaanka Ismaamulka Soomaalida xasuuqa ay geysanayaan Ciidamooda.

Dhawaan ayee aheyd markii Dagaal u dhaxeeya Ciidamada Liyuu Boolis iyo Dad xoolo dhaqato ah ku dhexmaray Degaanka Kaxandhaale oo ah xadka ay wadaagaan maamulka Galmudug iyo Dowlad Degaanka Ismaamulka Soomaalida, kaasi oo ay ku dhinteen in ka badan 40 Ruux.

Idale News Online, Cadaado

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here