Dhageyso:Gudoonka BFS ” Halis Dastuuri Ayaa La Geli Doonaa Hadii aan La Dadajin Dib U Eegista Dastuurka”

0
325

Muqdisho(INO)-Gudoomiye ku xigeenka labaad ee Baarlamaanka Soomaaliya Mahad Cabdalla Cawad oo Warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in ay muhiim tahay in la dadajiyo dib u eegista Dastuurka ka hor inta uusan dhamaan waqtiga Baarlamaanka.

Gudoomiye Mahad Cabdalla Cawad ayaa sidoo kale sheegay in geli doono halis dastuuri ah hadii aan la dadajin dib u eegista Dastuurka Dalka.

Waxa uu sidoo kale sheegay in ay muhiim tahay in laga wada shaqeeyo dadajinta dib u eegista Dastuurka Dalka.

25 bishaan ayaa lagu balansan yahay in Magaalada Garoowe lagu qabto shir loogu hadlayo dhameystirka Dastuurka Dalka, waxaana sidoo kale Magaalada Muqdisho ka soconayo kulamo iyo shirar gaar gaar ah oo loogu hadlayo dib u eegista Dastuurka Dalka.

Halkan Ka Dhageys

Idale News Online, Muqdisho