Dhageyso:Gudoomiyaha Gobolka Bay:” Gancan Ku Dhiigaha Wuu Xiran yahan, Waxaan Ku Baaqney In La Bixiyo Magta Marxuumka”

0
314

Baydhabo(INO)- Iyadoo Maalin Dhoweyd Magaalada Garowe Ee Xarunta Maamulka Puntland lagu diley Ganacsade ka soojeeda Degaanada Koonfur Galbeed Soomaaliya isla markaana sida la sheegey uu diley Askari Ka Tirsan Ciidanka Maamulka Puntland ayaa Arintaasi waxa Ka Hadley Gudoomiyaha Maamulka Gobolka Bay  C/rashiid C/laahi Maxamed LFC.

rashid

Gudoomiyaha  Gobolka Bay Ayaa sheegey in xariiro dhow oo  badan ay la sameeyeen Maamulka Puntland, Taliyaha Ciidamada Puntland ee Gobolka Nugaal iyo Saraakiil badan isla markaana waxa uu sheegey inay ka wada hadleen dilkii Loogayso Ganacsade Ka Soojeeda Deegaanka Goof-Gaduud Buurey Ee Gobolka Bay oo Ganacsi ku lehaa Magaalaa Garowe,  waxa  kale uu xusey inay ogaadeen  Xogo oo la xaiiraan Dhacdaasi.

“ Waxaan La xaiirney Saraakiisha Maamulka Puntland ee Gobolka Nugaal iyo Oday Dhaqmeedyo, dhacdaasi markii ay dhacdey ka dib,  waxaan la xariirney Taliyaha Ciidamada Puntland ee Gobolka Nugaal, Ilaa iyo hadda waxaa ognahay Ganacan ku dhiiglihii Dilka geystey in uu xiran yahay, dadka Ku dhaqan Maagadala Garowe ee Ka Soojeeda KG Soomaaliya, waxay doonayeen inay sameeyaan Xoogaga Mudaaharaad ah. Sidoo kale Markii ay maqleen Dhinca Gacan ku dhiiglaha Dadkiisa in fal aargoos ah ka Baydhabo ay dhacdey is fahamwaa, laakin waxay u ekeyd mid Fowdo ah, annagau waxaan dooneyna in la damin Dhibaatada, Walaalka La dileyna Dhiigiisana ama Magtiisa la bixisho oo aysan noqonin mid laga tagey, Lana ilaaliyo Xeerar u yaalla Beelaha Soomaaliyeed” ayuu yiri Gudoomiyaha.

Sidoo kale Gudoomiyaha Gobolka Bay ayaa Tilmaamey in ay Heleen Xog ku aadan dadka laga diley Ganacsadahaasi, inay qursheynayeen in fal aargoos ah ay ka sameeyaan Gudaha Magaalada Baydhabo taaso uu sheegey inay dhalin karto dhibaato hor leh oo sii horlacin karto arntaasi isla markaana uu sii daba dheeraado muran iyo aargoosiga.

“Ugu horeyntii Ninka Dilka Geystey Dadkiisa waxay Maqaleen in Baydhabo ay ka dhacdey Fal aargoosi ah, Sidaas darteeda Xoogaha fowdo ah ayaa dhacdey, Maamulka Puntland iyo Koonfur Galbeed Soomaaliya waa Walaalo, Qof wax diley kama turjumo Maamul ee waxaan dooneyna in wanaaga lagu dadaalo oo nabadda lagu shaqeeyo” ayuu mar kale yiri Gudoomiyaha Gobolka Bay.

Ugu dambeyntii, Gudoomiyaha Gobolka Bay, ayaa Bulshada Koonfur Galbeed Soomaaliya ee ku u hoos Nool Maamulka Puntland ugu baaqey inay La shaqeeyaan Maamulkaasi, ay Gutaan Wajibaadka isla markaana ay kala shaqeeyaan Amaanka.

Halkan Ka Dhageyso

Idale News Online, Xafiiska Warqabadka Baydhabo

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here