Magaalada Baydhaba ee xarunta gobalka Bay,waxaa ka soconaya shir balaaran oo la doonayo in maamul loogu sameeyo Gobalada kala ah Bay, Bakool iyo Shabelaha Hoose , waxaana shirkaan ka qeyb galaya waxgaradka gobaladaasi ka kala socda
Gudiga Farsamada Maamulka Sadaxda Gobol ee Koonfur Galbeed ayaa sheegay in ergada fadhida Magaalada Baydhaba ay maalmaha soo aadan u gudbi doonaan doorashada Hogaanka Maamulkaasi uu yeelan doono.
Ku xigeenka Gudigaas Siyaad Sheekh Cumar Sheekh Daahir ayaa u sheegay Warabaahinta in hada ay socdaan ka soo tala bixinta Dastuurka uu Maamulka yeelanyo.
Dhinaca kale waxa uu sheegay siyaad in inta badan siyaasiintii ku jirtay Maamulka Siyaasiga Madoobe Nuunow Maxamed ay ku sugan yihiin shirka Maamulka sadaxda Gobol.