Dhageyso:Guddoomiyaha Degmada Hodan Oo Eedeysay Ciidamo ka Tirsan Dowladda Somalia

0
218

Muqdisho(INO)-Guddoomiyaha Degmada Hodan, Xaawo Maxamuud Cali (Xaawo Kiin) ayaa ciidamada mileteriga dowladda Soomaaliya waxay ku eedeysay in ay xoog ku kaxeysteen guddoomiyaha Waaxda Taleex ee degmada Hodan.

XAAWO

Waxay sheegtay in Ciidamada Dowladda ay rasaaseeyeen  gaari uu la socday guddoomiye waaxeedka, kaddibna ay qabteen, ayna u kaxeysteen dhinaca Wasaaradda Gaashaandhigga. “Arrintaas waxaa dhacday, waxaana la  rasaaseeyay, kaddibna loo kaxeystay dhinaca Wasaaradda Gaashaandhigga Guddoomiye Waaxeedka Waaxda Taleex, markii aan isku daynay in aan booqanana waa noo suurtageli weysay”ayay tiri Xaawo Kiin, Guddoomiyaha Degmada Hodan.

Xaawo Kiin waxay sheegtay in ciidamadan oo dhawaan lasoo dejiyay degmada Hodan ay dadka baartaan, iyadoo taasina ay tahay mid ka dhan ah anshaxa ciidamada.

Ciidamada Dowladda Soomaaliya ayaa lagu eedeeyaa isbarbar-yaac iyo in ay mararka qaarkood ku kacaan falal anshax-xumo ah, mana jirto illaa iyo haatan wax arrintaas laga qabtay.

Halkan Ka Dhageyso

Idale News Online, Hodon, Muqdisho

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here