Muqdisho(INO)-Guddoomiyaha Bangiga Dhexe ee Soomaaliya Bashiir Ciise Cali oo maanta shir jaraa’id Muqdisho ku qabtay ayaa sheegay in lacag been abuur ah oo lagu soo sammeeyay dalka Soomaaliya meelo ka mid ah ay shalay soo gaartay Magaalada Muqdisho, wuxuuna sheegay in ay lacagtaas keentay sicir-barar.
” Bangiga lacagtaas ma ictiraafsana, mana aqbalayo. Lacagtan waxaa loo maleynayaa in ay ka timid gobollada bariga dalka”ayuu yiri Bashiir Ciise Cali, Guddoomiyaha Bangiga Dhexe ee Soomaaliya. Guddoomiyaha wuxuu sheegay in lacagtaas oo muddo 24 saacadood ah ku jirtay Muqdisho saameynteeda la dareemay.
Guddoomiyaha Bangia Dhexe oo sii hadlayay waxaa uu sheegay in Wasaaradda Maaliyadda, Laamaha Amniga iyo Booliska Adduunka ay iska kaashan doonaan sidii loo xakameyn lahaa lacagtaas oo hoos u dhigeysa qiimaha shillinka Soomaaliga.
Halkan Ka Dhageyso.
Idale News Online, Muqdisho