Dhageyso:Guddiga Doorashooyinka oo ka hadlay doorashada Madaxweynaha

0
163

Muqdisho(INO)- Guddoomiyaha Guddiga Federaalka Hirgelinta doorashooyinka dadban ee Soomaaliya Abuukaate Cumar Dhageey ayaa sheegay in aysan shaqadooda ahayn in ay go’aan ka gaaraan doorashada Guddoomiyaha Baarlamaanka iyo labadiisa Ku xigeen iyo sidoo kale doorashada Madaxweynaha.

Waxa uu sheegay in baarlamaanka markii ay tiradooda buuxsanto  ay la wareegayaan shaqada doorashada inta dhiman.

Waxa uu tilmaamay in tiro yar ay ka harsan tahay kooramka uu ku furmi lahaa Kulamada Xildhibaanada Baarlamaanka isla markaana ay shaqadooda ku wareejin doonaan Baarlamaanka.

Gudoomiyaha ayaa sidoo kale sheegay in Baarlamaanka Cusub ee Soomaaliya looga baahan yahay in ay go’aan rasmi ka gaaraan waqti ay dhaceyso doorashada Madaxweynaha Soomaaliya.

Doorashada Soomaaliya ayaa u muuqata mid lagu daalay oo maalinba maalinta ka dambeysa Waqtigeeda dhaafaysa.

Halkan Ka Dhageyso