Dhageyso:Golle Ka Sheegaya Midnimada& Wadajirka Qurbojoogta KGS Oo Lagu Dhawaaqey

0
194

Mn(INO)-Iyadoo khaliif iyo Utumo uu Hareeyey Qurboogta Koonfur Galbeed Soomaaliya  ee ku nool  5ta Qaaradood Ee Aduunka , ayaa Waxaa Xaley Gobolka Minsota ee dalka mareykanka  Looga Dhawaaqey Urur la magac baxay South West Somali Diaspora Congress(SSDC) ama Gollaha Qurbojoogta Koonfur Galbeed Soomaaliya.

SSDC

Ururkan ayaa la sheegey in uu matali doono kuna hadli doono magaca qurbo joogta koonfur galbeed ee soomaaliya meel walba oo ay caalamka ka joogaan,  isla markaana uu ku daali Doono  midnimada Shacabka Koonfur Galbeed Soomaaliya Ee ku dhaqan Dalka Mareykanka, Sidoo kalena  Ilaalinayo Qadiyada Bulshada Degaanada Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Ururukan ayaa waxaa uu ka shaqeyn doonaa Midnimada iyo Wadajirka Umada Koonfur galbeed ee Soomalaiya iyo in la helo Maamul Goboleed ku saleysan Rabitaanka Shacabka oo raali laga wadayahay.

Si kastaba ha ahaatee, tan iyo markii ay bulshada Koonfur galbeed soomaaliya ay ku kala tageen siyaasada Dhismaha Maamulka Koonfur Galbeed soomaaliya, ayaa  waxa daciifey Kaalintii Qurbo joogta Degaanada Koonfur Galbeed soomaaliya Ay caawin jireen deegaanadoodi iyo  weliba Isku xirnaanshaha Bulshadaasi.

Ugu dambeyntii Lama Garan karo sida uu Shaqeeyn doono Ururkani cusub ee Xaley lagu dhawaaqey,aydoona Horey ay u jireen kuwo kale.

Cabdillaahi Macalin Xasan Garamgaram, Ayaa Akhriyey Ujeeda Loo Aas aasey gollahan& Warsaxaafadeed.

Idale News Online, MN, USA.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here