Dhageyso:Gollaha Wasiirada Oo Dhageystay Nuxurka Sahanka Gudiga Abaaraha KGS Ee Gobolka Bakool

0
215

Baydhabo(INO)– Gollaha Wasiirada Koonfur Galbeed  Soomaaliya ayaa maanta warbixino ka dhageysteen Gudiga gurmudka abaaraha Ee Koonfur Galbeed Soomaaliya oo maalmihii la soo dhaafey sahan u jirey Degmoyinka Xudur iyo Ceelberde Ee Gobolka Bakool.

Gudiga ayaa waxay Sheegeen in xaalad  bini’aadanimo oo liita ay ka jirto Gobolkaas isla markaana waxay xuseen in loo baahan in wax laga qabto dadka abaarta saameysey  Ee Gobolkaas.

Ku simaha Madaxweynaha Koonfur Galbeed Soomaaliya ahna wasiirka Beeraha iyo Waraabka Maxamed Xasan Fiqi oo warbaahinta la hadley ayaa sheegey in maanta sidoo kale ay  magacaaween Xubno Cusub oo sahan ku tagaya Gobolka Shabelle Hoose halkaasoo isla maanta Hooyo iyo caruurteed haraad ay ugu dhinteen Degmada Sablaale Ee Gobolka Shabellaha hoose.

Abaarta ku dhufatey Koonfur Galbeed ayaa waxay Xoolo dhaqato badan dhafisay Xoolihii ay dhaqan jireen, kuwaasoo iminka soo buux dhaafiyey Magaalooyinka isla markaaana abaarta iyo Biyo la’aanta waxa barbar socoda Cudurka Shuban biyoodka oo ka dilaacey Qiibo ka mid ah Gobolkada KGS.

Halkan Ka Dhageyso

Wariye Maxamed C/raxmaan Cabdulle 

Idale News Online, Baydhabo