Dhageyso:Golaha Xukuumadda Soomaaliya Oo Ansixiyey Sharciga La Dagaallanka Argagixisada

0
226

Muqdisho(INO) Golaha wasiirada xukuumadda federaalka Soomaaliya oo maanta magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya ku yeehay kulankoodii Khamiis laha ahaa ayaa ka dooday arima badan oo ku saabsan xaaladaha dalka Soomaaliya.

Afhayeenka xukuumadda Soomaaliya Ridwaan Xaaji Cabdi Wali ayaa ka waramay waxyaabihii diirada lagu saaray kulanka ay maanta Muqdisho ku yeesheen golaha xukuumadda Soomaaliya, Afhayeenka ayaa sheegay in goluhu ay meel mariyeen sharciga la dagaalanka Argagixisada oo uu sheegay inuu wax badan ka qaban doono sidii gacan bir ah loogu qaban lahaa kooxaha xag jirka ah ee dhibaatadaka wada Soomaaliya.

Golaha wasiirada Soomaaliya ayuu sheegay iney sidoo kale ka hadleen arimo ay ka mid yihiin sidii loo gargaari lahaa qaxootiga Soomaaliyeed ee ku dhibaataysan dalalka Kenya iyo Yaman,wuxuuna tilmaamay iney sidoo kale ka doodeen qalab casri ah oo lagu baarayo danbiya kaasoo dhawaan dalka la keeni doono.

Halkan Ka Dhageyso.

Idale News Online, Muqdisho

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here