Muqdisho(INO)-Kulan ay maanta Magaalada Cadaado ee uu ka Furan yahay Shirka Maamul u sameynta Gobolada Mudug iyo Galgaduud ay ku yeesheen Siyaasiin iyo Odayaal ka soo jeeda Gobolada Dhexe ayey uga hadleen War-murtiyeed Shalay laga soo saaray Shirkii Magaalada Garoowe.
Generaal Yuusuf Maxamed Siyaad Indha cade oo ka hadlay halkaasi ayaa sheegay in ay ka Xun yihiin hadalkii Madaxweynaha Soomaaliya iyo Qodobadii Shirka Garoowe laga soo saaray oo ahaa in Ergada Waqooyiga Mudyg aysan ka qeyb gali karin Shirka Maamul u sameynta Gobolada Dhexe ee Dalka “yaan la odhan maamul Goboleed, ee hadaba la yidhaahdo maamul Qabiileed”
Sidoo kale waxaa halkaa ka hadlay Madaxweynihii hore ee Maamulka Galmudug Maxamed Axmed Caalin,waxaana uu sheegay in Gobolka Mudug 80% aysan Puntland ka talin islamarkaana aan Danaha Dadka ku nool Mudug loo baabi’in karin hadalkii ka soo baxay Garoowe sida uu yiri.
Shalay ayaa Heshiiskii Garoowe ay ku gaareen Dowladda Federaalka iyo Dowladdaha Xubnaha ka ah waxaa ay ku sheegeen in Ergada ka soo jeeda Waqooyiga Gobolka Mudug aysan ka qeyb gali karin Maamul u sameynta Gobolada Mudug iyo Galgaduud.
Halkan Ka Dhageyso.
Idale News Online, Muqdisho