Garowe(INO)- Madaxweynaha Maamulka Puntland C/wali Maxamed Cali Gaas oo Wareeysi siiyay Wargeyska lagu Magacaabo Kaah Bari ee ka soo baxa Magaalada Boosaaso ayaa ka hadlay Arrimaha Siyaasadda Ee Soomaaliya.
Gaas ayaa sheegay in Puntland ay u furan tahay sedex wado midkood ka dib marki ay diiday nidaamka 4.5 oo lagu saleeyay doorashada soo socota.
Madaxweynaha Maamulka Puntland C/wali Maxamed Cali ayaa intaa ku daray in Puntland iyo Shacabkeeda ay horyaalaan Saddexda Go’aan midii u fiican islamarkaana ay qaadan doonaan.
Sadexda wado ee Puntland u furan ayuu ku sheegay
1: Inay diido qorshaha ay wadaan beesha caalamka oo ka hor timaado barnaamijkaas oo dhan
2: Inay yeesho oo ay gorgortan gasho
3: Inay ka go’do Soomaaliya
Dhawaan waxaa Puntland gaaray Wafdi ka socda Beesha Caalamka islamarkaana uu hor kacayay Wakiilka QM u qaabilsan Arrimaha Soomaaliya,waxaana Puntland iyo Beesha caalamka halkaa ku dhexmaray Kulamo aan Natiijo ka soo bixin.