Dhageyso:Gaas oo ka hadlay kulamo madaxda Itoobiya uu lasoo qaatay

0
250

Garowe(INO)-Madaxweynaha Maamul Goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland C/wali Maxamed Cali”Gaas” ayaa faah-faahin ka bixiyay shirar uu lasoo qaatay Madax ka tirsan Dowladda Ethiopia oo uu kala hadlay arimo kala duwan.

C/wali Gaas ayaa sheegay arimaha ugu muhiimsan ee Dowladda Ethiopia uu kala soo hadlay ay tahay tababarada ciidamada Maamulka Puntland, iskaashi dhanka ganacsiga oo dhexmara labada Dowladood.
” Howsha aan u maqnayn waxay isugu jirtay laba qeybood, howl waxay aheyd mid laxiriirtay horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha dalka oo ay ugu horayso balaarinta dekeda Boosaaso mashaariic la xiriirtay iyo inaanu sii dardargelino barnaamijkii aan wadnay ee ahaa balaarinta ganacsiga Puntland”
gaas

” Waxaan kaloo aanu utagnay howlo la xiriira iskaashiga dhanka amaanka iyo iskaashiga nabadgelyo ee ka dhaxeeya Puntland iyo Ethiopia oo ay kamid tahay tababarada ciidamada, Nabadsugida iyo howlo kale oo la xiriira in aanu iska kaashano cadowga runtii dalka dhibta weyn ku haya ”
Madaxweyne Gaas ayaa ugu dambeyn sheegay in meel wanaagsan ay marayso in maalgashi caalami ah laga samaysto Puntland, islamarkaana ay yimaadaan shirkado ganacsi oo waaweyn ku waasi oo ay ka faa’iidaysanayaan shacabka Puntland.

Halkan Ka Dhageyso.

 Idale News Online, Garowe.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here