Dhageyso:Gaadiidleyda Sh. Hoose oo ka cabanaya Isbaarooyin fara badan oo lasoo dhigay wadada Xiriirisa Muqdisho & Baydhabo

0
177

Afgooye(INO)- Gaadiidleyda ku safra wadada xiriirisa Magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya iyo Baydhabo ayaa cabasho xoog leh ka muujinaya Isbaarooyin Xad dhaaf ah oo lasoo dhigay wadadaasi.

47 Gaari oo nuuca Xamuulka qaada ah ayaa hada ku xayiran Degmada Afgooye mudo Todobaad ah kadib markii kooxaha Isbaarooyinka dhigtay ay kusoo rogeen lacago Xad dhaaf ah oo aysan awood u lahayn Gaadiidleydu iney bixiyaan.

Khaalid Xasan Barrow oo ka mid ah wadayaasha Gaadiidka Xamuulka ee u kala goosha Muqdisho iyo Baydhabo ayaa sheegay i.

n kooxaha Isbaarooyinka dhigtay ay kusoo rogeen lacago waali ah,wuxuuna ugu baaqay dowladda Soomaaliya iyo  Koonfur Galbeed iney wax ka qabtaan Isbaarooyinka faraha badan ee lasoo dhigay Wadada Xiriirisa Muqdisho iyo Baydhabo.

Halkan Ka Dhageyso