Dhageyso:Farmaajo Oo Ka Hadley Arimo Badan Oo Ka Taagan Gobollada Dhexe

0
232

Muqdisho(INO)-Raysal Wasaarihii hore ee Somaaliya Dr. Maxamed Cabdulaahi Maxamed “Farmaajo” oo waraysi dhinacyo badan taabanaya ay la yeelatay idaacada Codka Soomaalida ee (VOS) ayaa ka hadlay arimaha ka taagan Gobalada dhexe ee dalka.

farmaajo1

Waxaana ugu horayn uu ka hadlay Shrika Dibu heshiisiinta ee qaar kamid ah beelada dega Gobolka galgaduud oga socdsa Magaalada Dhuusamareeb.

Farmaajo ayaa sidoo kale ka hadlay Xiisada ka taagan degmada Guriceel ee Gobolka Galgaduud taasi oo u dhaxayda Ciidamo ka tirsan Ahlusunna iyo Ciidamo taabacsan Dawlada faderaalka soomaaliya waxaana uu ugu baaqay dhnacyadaasi In xabada lagu badalo wada hadal oo la baajiyo dhiiga dadka wada dhashay.

Dr. farmaajo ayaa dhinaca kale soo hadal qaaday aragtidiisa ku aadan shirka maamul usamaynta Gobolada dhexe ee Mudug iyo Galgaduud waxaana uu sheegay in dastuurka u yaala dalka uu qabo labo gobol iyo waxii ka badan in ay dhisan karaan maamul Goboleed balse aysan muuqan taasi hada sida uu sheegay Mudane farmaajo.

Halkan Ka Dhageyso.

Idale News Online, Muqdisho.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here