Dhageyso:Dowladda Koonfur Galbeed Oo Ku Amaantay Puntland Soo Dhaweynta Qaxootiga KGS Ee Ka Imaanaya Dalka Yemen

0
236

Baydhabo(INO)-Ku dhawaad 211-qooys ayaa Waxay Ku Xareesan yahiin Xerada loogu Diyaariyey Xarunta Wasaarada Beerah iyo Waraabka Ee magaalada boosaaso ee xarunta Gobolka Beri.

kgs

Dadkan ayaa ka kooban haweeyn, caruur,Dad, da’ah iyo rag ayaa Waxa loogu Xereyey  hoolakan inay Ku sii Nastaan ilaa inta ,loo Qaba qaabinayo Safradooda, ay ugu Socdaan Maglooyinka ay Kamid yahin Muqdisho ,Baydhabo ,Jawahar  ,Hadaba Qaar Kamid ah ayaa la Hadalay Warbaahinta Idale News Online.

Halkan Ka Dhageyso Codka Qoxooti Ka Soojeeda KGS Oo Soo Gaarey Bosaaso

Dhanka kale Dowladda Koonfur Galbeed  Soomaaliya ayaa  Puntland Uga Mahad Celisey Doorka Ay Ka Qaateen Soo Dhaweynta Qaxootiga Soomaalida ee Ka soo Caraary Dagaalada Dalka Yaman.

Dowladda Koonfur Galbeed Soomaaliya   ayaa sheegtay inay iyaguna door ay ka qadanayan sidii ay uso dhaweyn la ahayen qoxootigaasi.

Iyadoona sheegtay inay u sameeynayso  dib u dajin, inkasto ay Tilmaantey  in aanay Awood badan uu laheyn inay uu fidiyaan Adeegyo dheraad ah, Balse taasi  bedelkeda ayey,Codsi  islamid ah u direyso Dawlada Federaalka iyo  Hay’adaha inay cawiyaan Dadkaasi Kasoo carary dagaalada ka qaraxay dalka yemen,Dowladda  Koonfur Galbeed ayaa ku macneeysey wax u qabadla aanta anay hada uu sameyn karin dadka qaxootiga ah.

Maadama Dowladu, dhawaan la yagleelay  balse ay intii karaamkooda ah ay usameeynayaso,Sida uu Shabakada Warbaahinta Idale News Online usheegay Wasiirka dibu dajinta ee Dowladda Koonfur Galbeed Soomaaliya Wasiir Axmed Sheekh Maxmed luxus (Ahmed mashruuc).

Halkan Ka Dhageys CodkaWasiirka Dib U Dajinta KGS

Idale News Online, Baydhabo

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here