Dhageyso:Dowlada Soomaaliya oo diiday in Ciidamo Cusub oo AMISOM ah loo soo diro Soomaaliya

0
226

Muqdisho(INO)- Xildhibaan C/casiis C/laahi Maxamed oo Soomaaliya u matalayay shir ka dhacay dalka Koofur Africa ayaa sheegay in xiligan Soomaaliya aysan xamili karin ciidan cusub oo ka socdo midowga Africa oo Soomaaliya loosoo diro.

Xildhibaanka ayaa sheegay in ciidamada AMISOM ee haatan joogo ay yihiin kuwo ka socdo dalalka deriska la ah Soomaaliya, sida Jabuuti, Ethiopia iyo Kenya ayna Soomaaliya xamili karin ciidamo kale oo dheeraad ah.

Xildhibaanka ayaa sheegay in xiligan aysan habooneyn in ciidamada AMISOM la kordhiyo, maadaama ciidamo ka badan 20 kun haatan ay ku sugan yihiin dalka Soomaaliya.

Wuxuu soo jeediyay in la tayeeyo hanaanka ay ku shaqeeyaan ciidamada dowlada federaalka Soomaaliya, si ay u hantaan guud ahaan amaanka dalka Soomaaliya.

Kulanka looga hadlayay arimaha amaanka Soomaaliya ayaa waxaa soo qaban qaabiyay gudiga amniga iyo xasiloonida ee ururka midowga Africa.

Halkan Ka Dhageyso

Idale News Online, Muqdisho

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here