Muqdisho(INO)_ Dowladda Soomaaliya ayaa ku dhawaaqday in dib loo dhigay Aaska Allah u naxariistee Marxuum Burci Maxamed Xamza oo ahaa Wasiiru dowlaha Xafiiska Ra’iisul wasaaraha ee Arrimaha Deegaanka, oo kamid ahaa Marxuumiintii ku geeriyooday Weerarkii Hotel Naasa Hablood 1 ee magaalada Muqdisho.
Wasiirka Warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdi Xayir Maareeye ayaa sheegay in illaa Maalinka Talaadada dib loo dhigay Aaska Marxuumka, si loo sugo Ehellada Qaarkood oo dalka dibaddiisa ka Imaanaya.
Wasiirka, ayaa sheegay Maalinta Talaadada Salaad Janaaso ah lagu tukan doono Marxuumka, kadibna Aas Qaran loogu Sameyn doono Magaalada Muqdisho.
Wasiir Maareeye, ayaa dhammaan Shacabka Soomaaliyeed gaar ahaan Ehellada Dadkii ku dhintay weerarkii shalay uga tacsiyeeyay, isagoo Xusay in dowladda Soomaaliya ay murugada iyo Xanuunka la qeysaneyso.
Halkan Ka Dhageyso
Xafiiska Warqabadka Idale News Online, Baydhabo
Email: Idalenewsonline@gmail.com Baydhaba Janaay