Dhageyso:Dowlada Koonfur Galbeed Soomaaliya oo Gacanta ku Soo Dhigtay Saraal ka Tirsan Al-Shabaab

0
449

Baydhabo(INO)- Waxaa maanta Saacadaha soo socda lagu wadaa in magaalada Beydhabo ee Xarunta gobolka Bay lagu soo bandhigo Saraakiil ka tirsan Al-Shabaab ka dib markii laga soo qabtay deegaano ka tirsan  Dowlada Koofur galbeed Soomaaliya.

Sidoo kale waxaa la xaqiijiyay in tirade Saraakiishaasi ay ahaayeen 3 Sarkaal oo ka tirsan Al-Shabaab ka dib Weerarkii ka dhacay degmada Buurhakaba Ee Gobolka Bay.

Wasiirka Warfaafinta  & Wacyi-galinta Bulshada Dowlada Koofur galbeed Soomaaliya Xasan Cabdi Maxamed ayaa sheegay in ay ku guuleysteen in ay gacanta ku soo dhigaan Saraakiisha ka tirsan Al-Shabaab.

Waxa uu sidoo kale sheegay in Warbaahinta ay saacadaha soo socda usoo bandhigayaan Saraakiisha ay qabteen.

Hoos ka Dhageyso Codka:

Idale News Online, Baydhabo