Dhageyso:Dowlada koonfur Galbeed Somaliya Oo Amaan U Soo Jeedisey Laamaha Amaanka Ka Howlgala Gobolada Baay Iyo Bakool

0
193

Baydhabo(INO)Wasiirka Wasaarada Warfaafinta Iyo Wacigalinta Bulshada Koonfur Galbeed Xasan Cabdi Maxamed Ayaa Waxaa Uu Kahadley Amaanka Gobolada Baay Iyo Bakool Waxaa Uu Sheegey In Xiligaani Dadaalo Ay Wadaan Ciidamo Iskugu Jiraan Ciidamada Dowlada Somaliya Kuwa Maamulka Koonfur Galbeed Iyo Ciidamada Midowga Afrika Ee Amisoon Sidii Ay Usugi Lahayeen Amaanka Shacabka Ku Nool Gobolada KGS Oo Intooda Badan Dhibaateyey Urarka Al Shabaab.

Dhanka Kale Wasiirka Wasaarada Warfaafinta Iyo Wacigalinta Bulshada Koonfur Galbeed Xasan Cabdi Maxamed Ayaa Waxaa Uu Sheegey In Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Somaaliya In Amaan Iyo Dhiiragalin Ay Siinaeyso Ciidamada Dowlada Somaliya Kuwa Maamulka Koonfur Galbeed Iyo Ciidamada Midowga Afrika Ee Amisoon Oo Dhiigooda Uhureen Shacabka Somaliyeed Sidii Ay Ku Heli Lahayeen Nabad Galiyo Ay Ku Noladaan.

Magalada Baydhabo Oo Xarun Kumeelgaar U Ah Maamulka Koonfur Galbeed Ayaa Maalmahaani Waxaa Ku Soo Qulqulaayey Masuulin Katirsan Beesha Caalanka Kuwo Kale Oo Kasocda Dowlada Somaliya Iyo Xildhibaano  Baarlamaanka Somaaliya Katirsan Oo Degaanadooda Ay Yihiin Goboladaan Baay Iyo Bakool Si Ay Marlabaad Iskugu Soo Sharxaad Xildhibaanada Cusub Ee Baarlamaanka Somaliya.

Wasiirka Wasaarada Warfaafinta Iyo Wacigalinta Bulshada Koonfur Galbeed Xasan Cabdi Maxamed Ayaa Waxaa Kahadley Amaanka Goobaha Lagu Qabanaayo Doorashada Xildhibaanada Koonfur Galbeed Somaaliya Iyo Sidii Shacabka Iyo Laamaha Amaanka Ay Iskala Shaqeenlahayeen Amaanka Goobaha Lagu Qabanaayo Doorashooyinka Lafilaayo In Dalka Somaaliya Ay Ka Dhacdo 2016

W/Q/Wariye Siidcali Muuse Maxamed (Ateera)