Afgooye(INO)-Dowlada Koofur Galbeed ayaa sheegtay in heer gabogabo ah uu marayo dadaalada dib u heshiisiinta Beelihii ku dagaalamay Deegaano ka tirsan Gobolka Shabellaha hoose.
Wasiirka Beeraha Iyo waraabka Ee Dowlada KG Soomaaliya Mudne Maxamed Xassan Fiqi ayaa sheegay in Madaxweynaha Dowlada KG Soomaaliya Mudane Shariif Xasan uu wado dadaaladaasi si uu u xasilo Gobolka Shabellaha hoose, isaga oo sheegay in wadahadalo ka dhacay Marka laga gaaray horumaro wanaagsan.
Wasiirka ayaa sheegay in sidoo kale Madaxweyne Shariif Xassan uu u kuurgalay xaaladda nolosha ee Dadka Gobolka Shabellaha Hoose xaga Ammniga iyo arrimaha bulshada intaba uuna rajeynayo in uu wax ka qabto baahiyada jira.
Wajiga labaad ee Shirka dib u heshiisiinta Beelaha ayaa la filayaa in lagu soo gabagabeeyo Degmada Afgooye ee Gobolka Shabellaha Hoose.
Halkan Ka Dhageyso.
Idale News Online, Xafiiska Afgooye.