Hiiraan(INO)-Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan C/fataax Xasan Afrax ayaa sheegay in dowladda Ingiriiska ay u balan qaaday taageerida dhismaha maamulka Gobolada Hiiraan iyo Shabeellaha dhexe oo dhawaan la qorsheynaayo in shirkaasi la furo.
Wafdi ka socda dowladda UK ayaa gaaray Magaalada Beladweyne oo uu kulan la qaatay Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan, wuxuuna sheegay in xubnaha ka socday UK ay sheegeen inay taageerayaan maamulka Gobolka Hiiraan iyo Shabeellaha dhexe loo sameynaayo.
“Runtii waxaan aad isugu afgaranay in Federaalka la dhaqangeliyo, dhawaan Bishan shir ayaan qabsanaynaa oo Beladweyne ka furmaayo oo looga tashanaayo dhismaha maamulka Gobolada Hiiraan iyo Shabeellaha dhexe”Ayuu yiri Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan.
Halkan Ka Dhageyso.
Gobolada dalka Soomaaliya waxaa ka socda dhaqangelinta Federaalka dalka Soomaaliya, iyadoo hada Gobolada dalka ay ka sameysteen Maamulo Federaal ah.
Dadka Gobolada Hiiraan iyo Shabeellaha dhexe ayaa doonaya inay ku midoobaan hal maamul.
Idale News Online, Hiiraan.