Muqdisho(INO)—Wasiirka Amniga gudaha C/Risaaq Cumar Maxamed ayaa ka hadlay weerarkii xalay lagu qaaday Baarka Liido Sea Food ee Magaalada Muqdisho.
Wasiirka Amniga gudaha ayaa sheegay in la soo afjaray haysashadii ay dabley hubeysan oo ka tirsan ururka Alshabaab lana diley dhammaan intii weerarka soo qaaday.
Sidoo kale wasiirka ayaa ka hadlay qasaaraha ka dhashay weerarkan isagoo ku tilmaamay in dad gaaraya 20 ruux oo ay haween iyo carruur ka mid ahaayeen ay ku dhinteen weerarka lagu qaaday Liido.
Wasiirka ayaa sheegay in lagu soo qabtay howlgalo xalay laga sameeynayay xeebta Liido ninkii ka dambeeyay oo lahaa maskaxdii lagu weeraray maqaayadaha ku yaal xeebta Liido,hase yeeshee wasiirka ayaan sheegin magaca qofka ay qabteen.
Xaalada xeebta Liido ayaa ah mid degen saaka iyadoo maanta oo Jimce ah ay ka duwan tahay jimcayaashii la soo dhaafay waxaana lagu arkayaa oo kaliya ciidamada nabad sugida oo baaritaano ka wada xeebta Liido.
Dadweynihii faraha badnaa iyo saxmadii hore loogaga bartay xeebta ayaa ah saaka mid aan lagu arkeyn xeebta iyadoo dadka ay taagtaagan yihiin wadada laamiga ah ee Liido.
Idale News Online, Muqdisho