Baraawe(INO)- Dowladda Koofur galbeed ayaa Maamul cusub u magacaawday Magaalada Baraawe ee Gobolka Shabellaha hoose, kadib markii halkaasi uu markii labaad tagay Madaxweynaha Maamulkaasi Shariif Xassan Sheekh Aadan.
Kusimaha Madaxweynaha Dowladda Koofur Galbeed ahna Wasiirka arrimaha gudaha Cabdiraxmaan Aadan Ibraahim Satte ayaa u sheegay Warbaahinta in Gudoomiye cusub ay u magacaabeen Magaalada Baraawe, kadib markii ay arkeen baahida loo qabo Maamul ay yeeshaan Dadka Deegaanka.
Wasiir C/raxmaan Satte ayaa sidoo kale carabta ku dhuftay in Dowladda Koonfur Galbeed Soomaaliya oo hadda uu fadhigiisu yahay Magaalada Baydhabo, uu Bilo gudahooda ugu wareegayo Xarunta rasmiga ah ee Magaalada Baraawe.
Wasiirka arrimaha gudaha Dowladda Koonfur Galbeed, ayaa sheegay dhanka kale in uu dhamaaday murankii dhinaca xuduuda ee Maamulkiisa kala dhaxeeyay kan Gobolka Banaadir, isaga oo xusay in Taliyaha Ciidamada Xoogga uu Calanka Koofur galbeed dib uga suray Xadka labada Maamul, kaasi oo horay ay u dajiyeen Ciidamo taabacsan Dowladda Federaalka.
Halkan Ka Dhageyso.
Idale News Online, Baraawe.