Dhageyso:Doorka Beesha Caalamka ee Siyaasadda Somalia

0
202

Muqdisho(INO)- Xubnaha Beesha Caalamka ayaa dhowaan soo saareyey warsaxaafadeedyo wada jira oo ay kaga jawaabayeen doorashooyinka dalka Soomaaliya ka socda.

Beesha caalamka waxa ay si gaar ah uga jawaabeen wax isdaba marin ka dhacdey intii ay socotey doorashada xubnaha labada aqal ee baarlmaanka Somalia ee magaalooyinka Maamul-Goboleedyada lagu soo doortey, iyo dib u dhaca xiliga doorashada.

Hasa yeeshee weli beesha caalamku si rasmi ah ugama aysan hadal kuraasta 18-ka ah ee xubnaha Madasha Wadatashiga Qaran ay ku kordhiyeen Aqalka Saree e dalka.

Weriyeheenna Sahra Cabdi Axmed ayaa warbixintan ku eegaysaa doorka ay Beesha Calaamka ku leedahay siyaasadda Soomaaliya.