Baydhabo(INO)- Xasan isxaaq yarrow waa 50 Sano jir Mudo Lix sano Ah Kuxanuunsanaya Magalada Baydhabo , Xanuunka uu Qabana Waa Mid Kagaley Dhanka Xubinta Taranka Oo uu Aad Ulaxanuusanayo Sida uu Isaguba Inoo Xaqiijinayo.
Xasan Isxaaq Yarrow waxaa uu Kamid Yahay dadka barakacayaasha ee kujira Mid kamid ah Xeryaha Kuyaala degmada baydhabo ,waxaa uuna leeyahay Reer kakooban 8 sedeed oo Lix kamid ah ay yihiin Caruurta uu dhaley .
Dhibane Xasan Ayaa Kacodsanaya Umada Somaliyeed In Lacaawiyo ,wuxuuna sheegayaa inuu ubaahanyahay Kaalmo caafimaad iyo mid dhaqaale si xaaladiisa wax loogu qabto ,waxaa uuna tilmaameyaa in Takhtiir uu lakulmiyey Ay Usheegeen in Xanuunkiisa Aan Magalada baydhabo waxba looga qaban Karin loona sheegay muqdisho iyo dalka dibadiisa in wax loogaqaban karo oo kaliye.
Cid allaale cidii aragta ama Maqasha muuqaalkaan waxaan si naxariis leh aan uga codsanaynaa in lacaawiyo .
Laxiriir Dhibane Xasan Isxaaq Yerrow oo Numbarkiisu Yahay +252616 056096
Idale News Online,Baydhabo
W/Q:Wariye Siidcali Muuse Maxamed {Ateera}