Dhageyso VOA:DFS Oo Si Adag Kaga Hadashay Dad Soomaali Ah Oo Loo Diiday Inay Ka Degaan Dekeda Berbera

0
382

Muqdisho(INO)Dowladda Federalka Somaliya, ayaa waxay ka hadashay dad Soomaali ah oo muddo kooban loo diiday inay ka deggaan Dekeda Magaalada Berbera, inkastoo markii dambe oodda laga qaaday.

hadliye

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Somaliya, C/salaan Hadliye Hadliye oo ku sugan Magaalada Dubai, ayaa amuurtaasi si adag kaga hadlay, wuxuuna ku shegay wax aynaan fahmin Dowladda Somaliya.

“Aniga koleyba ma fahmin, Dowladda Dhexena ma fahmin, dadka Somalidana ma fahmin, waayo sharciga adduunka u dhigan dadka baahida u qaba iyo dadka Somalida ee soo noqonaayo, maaha qaxooti soo noqonaaya, waa qaxooti dalkoodii ku soo noqonaaya.” Ayuu yiri Wasiirka.

“Dalkoodana waxaa ka midda Berbera, Lughaya, Saylac, Boosaaso, Muqdisho, Hobyo iyo Kimaayo. Markaa aniga ma fahmin maskaxda celinaysa dadkaasi oo leh nooma imaan kartaan.” Ayuu yiri Wasiirka oo la hadlay laanta afka Somaliga ee VOA.

Wuxuu wax lala yaabo uu ku tilmaamay in dad Soomaali ah loo diido dalkooda, xilli sida uu sheegay uu caalamka oo idil uu magangelyo u fidiyay qof kasta oo Soomaali ah.

“Waxaa weeye qof walba oo Soomaaliyaba hal milyan iyo shan boqol oo kun ka badan, ayaa dibadda joogtoo wadamo ajnabiya jooggo. Magan baa leena wada siiyay, anaa magan la i siiyay iyo carruurtayda, waxaa la siiyay magan qof walboo Soomaaliya, dhihi karaaye magan baa la siiyay. Gaal baa magan siiyay, Muslim baa magan siiyay, Afrikaan baa magan siiyay, Asia ayaa magan siisay. Markaa magan ma siinaayo dad Soomaaliyoo tacbaanahoo ka soo orday dhibaatada ka joogto maanta dalka walaalaheenee Yemen, waa wax lala yaabo weeyaan, wax la ogol yahayna maaha, wax Dowladda Dhexe ay ogoshahayna maaha.” Ayuu sii raaciyay Wasiir Hadliye.

Tani waxay ku soo aadaysaa, iyadoo Xukuumadda Somaliland ay toddobaadkii hore ku dhawaaqday inaanay qaabilaad dambe u fidin doonin dadka Somaliyeed, ee ka soo cararaaya dagaalada dalka Yemen.

Somaliland, ayaa waxay tani sabab kaga dhigtay arrimo amni iyo hay’addaha sama falka Qaramada Midoobe, oo diiday inay qaxooti u aqoonsadaan Somalida ka soo baxsanaysa dagaalada Yemen.

Halkan Ka Dhageyso

Idale News Online, Muqdisho

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here