Xudur(INO)-Dawladda Soomaaliya ayaa ku dhawaaqdey in ay qaadi donaan howlgalo ciidan oo lagu furayo wadooyinka uxaniban dagaalyahanada Shabaabka ee gobalada Bay iyo Bakool ee Koonfur Galbeed Soomaaliya, waxa ayna sheegtay in ay ciidamo badan udirayso gobalka, si loo xaqiijiyo amaanka wadooyinkaas.
Taliyaha ciidanka ee dawladda Soomaaliya ee gobalka Bakool Cabdiraxmaan Maxamed Timacade ayaa xaqiijiyey in ay dagaal adag la galeen Maleeshiyo Shabaab ah, tii ay wadeen howlgalkan.
Sarkaalkan ayaa shegay in ay dileen dagaalyahano Shabaab ah, ayna ka qaateen wixii agab ah ee ay wateen, isagoo sheegay in ay dhamaanba jidadka gobalka furayaan.
Taliyaha ciidamada dawladda ee gobalka Bakool oo la weydiiyey khataraha fara badan ee ka jira gobalkaas, ayuu sheegay in ay maareyn doonaan oo ay la dagaalami doonaan cid kasta oo ka hortimaada ciidamada amaanka.
Halkan Ka Dhageyso.
Idale News Online, Xud