Dhageyso:Darwalada Shabeelaha Hoose oo ka cabana Jidgooyo lacago badan looga qaado

0
194

Darawalada gaadiidka ee ka shaqeeya gobolka shabeelaha hoose ayaa ka cabanaya isbaarooyin gaadiidkooda lacago baad ah looga qaado, kuwaa oo ku soo kordhay sida ay sheegeen wadooyin badan oo gobolkaas ka ku yaala.

Darawalada qaar oo la hadlay barnaamijka Cabashada dadweynaha ayaa U  sheegay Warbaahintain isbaarooyinku ay noqdeen kuwo la isaga daysado oo ninkii qori wataaba uu meel dhigto kuwaas oo badankood lebisan sida darawaladu ay sheegeen dharka ciidanka.

Qaarkood darawaladu waxay tilmaameyn in shaqadoodii ay ha kiyeen kadib markii ay u adkeysan waayeen dhibaatada ka jirta wadooyinkii marinka u ahaa.

Maamulka gobalka Shabeelaha Hoose ayaa maalmahaan dambe waxay ka wadeen gobalka Shabeelaha Hoose howlgalo ay sheegayeen in ay kula dagaalamayaan Isbaarooyinka wadooyinka yaala.

Halkan Ka Dhageyso

Gaadiid-4Idale News Online, Afgooye