Baydhabo(INO)- Dagaalyahano ka tirsan Al-shabaab ayaa Maanta isku soo dhiibay Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya.
Laba nin oo ka tirsan Al-shabaab kuwaasoo ku hubaysan Qoryaha Fudud ayaa Maanta isku soo dhiibay Saraakiisha Amniga Maamulka Koonfur Galbeed, Col.Mahad C/raxmaan Aadan Taliyaha Ciidanka Booliska Magaalada Baydhabo ayaa sheegay in ragani ay kasoo goosteen Al-shabaabka ku sugan Degmada Saakow ee Gobolka Jubbada Dhexe.
Col.Mahad C/raxmaan Aadan ayaa sheegay in raggan labada ah ay isa soo dhiibeen markii ay ogaadeen ineysan aduun iyo Aakhiro wax faa’iido ah ku haysan Al-shabaab sida uu hadalka u dhigay,Wuxuuna intaa raaciyey iney si wanaagsan usoo dhaweeyeen dhalinyarada kasoo goosatay Al-shabaab.