Dhageyso:Dagaal Beeleedyo Dib Uga Soo Cusboonaaday G/Sh/Hoose

0
214

Marka(INO)-Dagaalo udhaxeeya Maleeshiyo ka soo jeeda gobalka Shabeelada Hoose ayaa dib uga bilowday gobalkaas, gaar ahaana deeganka Buufoow Bacaad oo hoos taga magaalada Marka, sida ay xaqiijinayaan wararka laga helayo magaalada Marka.

biyo

Dagaalka ayaa sababay shalay galinkii dambe dhimasho iyo dhaawac, waxaana geeriyooday dad gaaraya 8 qof oo ah dhinacyada dagaalamaya iyo dad rayid ah oo dhexdooda lagu dagaalamay.

Maleeshiyada dagaalamay shalay galinkii dambe ayaa hadana manta cabsi laga qabaa weeraro kale oo dhexmara, waxaana laysku hayaa lahaanshaha deegaankas oo ah mid ay horay ugu dagaalameen labada dhinac.

Odayaasha dhaqanka ee deegaanka ayaan kala dhexgalin ilaa hada dhinacyada dagaalamaya, waxaana Goobjoogayaal ay xaqiijinayaan in ay labada dhinac sii hurinayaan colada ka jirta deegaankaas.

Cali Ismacil oo kamid ah dadka jooga deegaanka lagu dagaalamaya ayaa warbaahinta gudaha usheegay in aysan xaaladu aheyn mid sahlan, wuxuuna ugu baaqay dawladda iyo Odayaasha dhaqanku in ay faragalin ku sameeyaan deegaankan oo ay qeyb ka noqdaan sidii loo joojin lahaa colaadan cusub.

Halkan Ka Dhageyso.

Idale News Online, Marka

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here