Dhageyso:Dadkii Ka Dambeeyay Qaraxyadii Baydhabo Oo Lasoo Bandhigayo

0
308

Baydhabo(INO)- Dowlada koofur Galbeed ayaa sheegday inay dhawaan ay soo bandhigayso dad loo qabqabtay qaraxyadii ka dhacay magaalada Baydhabo ee gobolka Bay, oo sababay dhimasho iyo dhaawac.

holwgalo

Mahad C/raxmaan Warsame, taliyaha ciidamada booliska ee gobolka Bay oo la hadlay Warbaahinta ayaa sheegay in baaritaano ciidamada ay sameeyeen lagu soo qabtay dad lagu tuhmayo iney ku lug lahaayeen qaraxyadii ka dhacay Baydhabo.

Dadka lasoo qabtay ayuu sheegay iney baaritaano ku sameeynayaan hayadaha amaanka dhawaana lasoo bandhigi doono, sida uu sheegay taliyaha.

Sidoo kale wuxuu sheegay iney sii wadi doonaan baaritaanada amaanka lagu xaqiijinayo si looga hortago falal amni daro oo ka dhaca magaalada Baydhabo ee gobolka Bay.

Ugu dambeynti, Dhawaan qaraxyadii ka dhacay magaalada Baydhabo ayaa sababay dhimashada ku dhawaad 33 ruux iyo dhaawaca intaasi ka badan, waxaana masuuliyadiisa sheegtay Al-shabaab.

Halkan Ka Dhageyso

Xafiiska Warqabadka Warbaahinta

Idale News Online, Baydhabo

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here