Dhageyso:Dadka Ku Xanuunsan Isbitaalka Baydhabo Oo Deeq Lagaarsiyey Maanta

0
374

Baydhabo(INO)- Bukaano tiro ahaan gaaraya 150 ruux oo ku jira isbitaalka weyn ee magaalada baydhabo ayaa waxaa manta deeq lacag ah gaarsiisey hormuud Telcom Founditom qeybteeda magaalada Baydhabo,waxaana madaxda hormuud ee lacagta bixinayay ku wehelinayay agaasimaha isbitaalka gobalka Bay.

Dadka lacagta loo qaybiyey ayaa isugu jirey kuwo dhaawacyo raasaas qaba iyo qaar xanuuno kala duwan qaba oo isbitaalka mudooyinka lagu daaweynayay,waxaana qofkiiba la siinayay lacag dhan boqol doolar.

Qeybinta lacagta gaareysay 15 kun oo doolar oo la siiyey bukaanada isbitaalka baydhabo ku jira kadib ayaa waxaa gudaha isbitaalka wariyaasha kula Hadley cqaadir maxamed maxamuud oo ah mas,uul sare oo ka tirsan shirka hormuud qeybteeda Baydhabo.

Agaasimaha isbitaalka gobalka bay cfitaax xaashi gaabow ayaa uga mahadceliyey hormuud foundation caawinada manta u fidiyeen bukaanada isbitaalka ku jira.

Sikastaba lacagtan bukaanada isbitaalka ku jira loo qaybiyey ayaa wax ka tari doono xagga nolosha maadama lagu gudaha jiro bisha barakaysan ee ramadaan islamarkaana qaarkoda ay ka yimaadeen deegaano magaalada ka fog fog.


i29^pimgpsh_thumbnail_win_distri28^pimgpsh_thumbnail_win_distri26^pimgpsh_thumbnail_win_distri25^pimgpsh_thumbnail_win_distri24^pimgpsh_thumbnail_win_distri22^pimgpsh_thumbnail_win_distri21^pimgpsh_thumbnail_win_distrW/Q;Wariye Siidcali muuse Maxamed Ateera

Email: Idalenewsonline@gmail.com Baydhaba Janaay