Dhageyso:Dad Lagu Qabtay Howlgalo Culus Oo Laga Sameeyey Baydhabo Janaay Ee Gobolka Bay

0
395

Baydhabo(INO)- Wararka ka imaanaya magaalada Baydhabo ee gobalka Bay ayaa sheegaya in howlgalo culus oo laga sameeyey gudaha magaaladaas, in lasoo qabtay in ka badan 7 qof oo lagu tuhunsan yahay in ay qeyb ka yihiin falalkii amaan daro ee maalmihii udambeeyey ka dhacayay magaaladaas.

baydhabo

Taliyaha ciidamada amaanka ee gobalka Baay ayaa sheegay in ay soo qabteen dad lagu tuhunsan yahay in ay qeyb ka ahaayeen dilkii sadex haween ah oo si fool xun shalay loogu dilay magaalada Baydhabo.

Saraakiisha amaanka ayaa sheegay in ay kordhin doonaan wax kasta oo sare loogu qaadayo amaanka magaalada Baydhabo, ayagoo balan qaaday in ay saxaafada usoo bandhigi doonaan cid kasta oo lug ku leh falalka amaan daro ee ka dhacaya magaalada Baydhabo.

Saakadii hore ayaa magaalada Baydhabo lagu arkay ciidamo badan oo lagu daadiyey gudaha magaalada, kuwaas oo xaafadaha qaarkood si xoog leh kugalayay, waxa ayna jabiyeen guryo xirnaa, iyagoo kala baxay hub kala gedisan sida ay sheegayaan wararka soo baxaya.

Halkan Ka Dhageyso.

Idale News Online, Xafiiska Baydhabo

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here