Hargeysa(INO)- Dab ayaa xalay saqdii dhexe ka kacay dhisme hotel oo ku yaala magaalada Hargeysa ee xarunta maamulka Somaliland, kaasi oo khasaaro hantiyadeed geystay.
Dabka ayaa la rumeysan yahay inuu ka kacay goobta raashiinka hotelka lagu kariyo, isaga oo kusii faafay goobo kale oo isla hotelka ka tirsan.
Hal ruux oo Yemeni ah ayaa ku dhaawacmey dabka hotelka ka kacay waxaana ruuxaasi uu dhaawaca soo gaaray markii uu isku dayay inuu ka boodo dhismaha hotelka.
Hotelka ayaa la sheegay iney gacanta ku hayeen ganacsato u dhalatay dalka yemen kuwaasi oo dad kasii kireyn jirey.
Markii dambe ayaa lagu guuleystay in la damiyo dabka ka kacay Hotel Hargeysa oo magaalada kuyaala.
Hoos ka Dhageyso Codka
Idale News Online, Hargeysa