Dhageyso+Sawiro: Wasiiro Katirsan KGS Oo Maanta Gaarey Degmada Buur Hakaba Ee Gobolka Bay

0
553

Buurhakaba(INO)- Howlgalkan oo ay hogaaminayeen wasiirada hubka dhigista,tababarada maleeshiyadka,maaliyada,gadiidka iyo taliyaasha laamaha amaanka ayaa waxa ay kula dagaalmayeen isbaarooyinka yaala inta dhaxaysa degmooyinka baydhabo iyo Buur-hakaba ee gobalka By.

Howlgalka oo ay si wada jir ah uga qeyb qaadanayeen ciidamada daraawishta koonfur galbeed iyo kuwa dowlada dhaxe oo wata gadiidka dagaalka,waxaana markii danbe mas.uuliyiinta ay gaaren degmada buur-hakaba oo xaalad bani,aadanimo ay ka jirto.

Magaalada buur-hakaba oo wafdiga sacado ay ku sugnaayen ayaa waxaa bulshada ay aad uga cabanayeen xaalad biyo yaraan ah oo magaalada ka jirta iyo dhanka nolosha.

Wafdiga oo muhiimadooda aheyd u kuur gelida amaanka wadada xariirsa labadaas magaalo ayaa waxaa markii baydhabo dib ugu soo laabteen fafaahin ka bixiyey wasiirka hubka dhigista iyo tababatrada maleeshiyada koonfur galbeed xasan xuseen eelay.

Wasiirka Maaliyada Koonfur galbeed ahna gudoomiyaha gudigga amaanka deegaanada koonfur galbeed ayaa waxaa uu sheegay in degmada buur-hakaba kuso arkeen xaalad aad u liidata oo dhanka nolosha ah.

Ugu dambeyntii, Dowlada koonfur galbeed ayaa dhowaanahan waxaa uu sheegeen iney muhiimada koowaad ay siin doonaan amaanka,islamarkaana ay isu furi doonaan isu socodka degmooyinka gobalka Bay.

Idale News Online, Baydhabo

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here