Dhageyso:Culeys Ka Taagan Soo Xulista Baarlamaanka Dowladda KG Soomaaliya.

0
411

Baydhabo(INO)-Wararka naga soo gaarayo magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Bay ayaa sheegaya in culeys uu ka taagan yahay hanaanka soo xulista xubnaha Baarlamaanka Dowladda Koonfur Galbeed ay yeelanayso.

dasruurka

Waxaana jira Warar sheegaya in dib u dhac u ku yimid waqtigii la doonayay in Baarlamaanka lagu soo xulo.

Afhayeenka Odayaasha Ee Dowladda  Koonfur Galbeed Soomaaliya Malaaq Deerow oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in hada uu socdo qorshe lagu soo xulayo xubnaha Baarlamaanka,islamarkaana Odayaasha ay wadaan qiimeyn ku aadan xubnaha loo xulanayo Baarlamaanka maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Madaxweynaha Dowladda Koonfur Galbeed Soomaaliya Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa dhawaan sheegay in meel wanaagsan ay marayaan qorshaha lagu soo xulayo Baarlamaanka maamulka,wuxuuna tilmaamay in si loo dhan yahay loo soo magacaabayo xubnaha ka mid noqonaya Baarlamaanka.

Halkan Ka Dhageyso.

Idale News Online, Xafiiska Baydhabo

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here