Dhageyso:C/qaadir Nuur Siidii “Dowladda Ma Hoostago Ee Koonfur Galbeed Ayaan Amarka Ka Qaadanayaa”

0
267

Baraawe(INO) – Gudoomiyaha Gobalka Shabeelah Hoose Cabdiqaadir Maxamed Nuur Siidii ayaa sheegay in maamulkiisa xilligaan uu toos u hoostago maamulka Koonfur Galbeed, amarkana halkaasi uu ka qaadanayo.

siidii

Gudoomiyaha oo u waramayay Warbaahinta, ayaa sheegay in wasaaradda arimaha gudaha ay amar buuxa ku bixisay in maamulkiisa uu halkaasi ka amar qaato, islamarkaana uu soo dhaweynayo madaxweynaha Koonfur Galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan.

Shariif Xasan Sheekh Aadan waa madaxweynahayga, isaga ayaan hoostagnaa, sharciyan dowladda dhexe ma hoostagno, Dowladda ayaa amarkaasi isiisay, gaar ahaan wasaaradda arimaha gudaha” ayuu yiri Gudoomiyaha gobalka Shabeelaha Hoose.

Dhanka kale Siidii ayaa soo hadal qaaday maamulo kale oo gobalkaasi sheegta in ay maamulaan sida Shabelle State, waxaana uu sheegay in maamul aan ahayn Koonfur Galbeed aanu halkaasi ka jirin.

Halkan Ka Dhageyso Codka Gudoomiye Siidii.

Gobalka Shabeelaha Hoose ayaa ka mid ah gobalada hoostaga maamulka Koonfur Galbeed, waxaana halkaasi ku taala xarunta maamulka oo ah degmada Baraawe.

Idale News Online, Baraawe.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here