Dhageyso:Col. Mahad C/raxmaan ” Ciidamo Ayaa Ka Gadooday Shaqadooda”

0
203

Baydhabo(INO)- Taliyaha ciidamada booliiska gobolka Bay Mahad C/raxmaan ayaa fariin waxaa uu u diray ciidamo ka tirtan booliska gobolka Bay oo uu ku sheegay in ay mushaar u soo doonteen magaalada muqdisho kadibna mushaarkii markii ay soo qaateen guryahooda iska seexday.

Waxaa uu sidoo kale taliyaha sheegay in ay shaqadooda sida ugu dhaqsiyaha badan ay shaqadoo kusoo galaan isgoo dhanka kalana timaamay in booliska ay mushaarkooda bil walba qaataan aysan ka jirin mushaar la,aan laakiin aan la ogayn sababta ay ciidamada guryahooda u seexdeen lalana xisaabtami doono arintaan sida ay ku dhacday.

Taliyaha ayaa dhanka kale waxaa uu carabka ku dhuftay in baydhabo hada ay tahay mid amnigeeda la isku halayn karo oo aan nabad galyo ka jirin.

Dhowaan ayay ahayd markii ciidamo ka tirsan kuwa booliska gobolka Bay ay soo gaareen muqdisho si ay uqaataan mushaarkoodii bilaha ahaa blse aan dib ugu laaban shaqadooda.

Idale News Online, Baydhabo

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here