Diinsoor(INO)- Ciidamada Koonfur Galbeed howlgal ay ka sameeyeen duleedka Degmada Diinsoor ee Gobolka Bay, ayaa waxa ay gacanta ku soo dhigeen hub ay lahaayeen dagaalyahano ka tirsan Ururka Al Shabaab.
Guddoomiyaha Degmada Diinsoor ee Gobolka Bay Ibraahin Maxamed Aadan Shigshigow, ayaa Warbaahinta u sheegay xilli Ciidamo Shabaab ka tirsan ay dadka ka aruursanayeen Zakawaad inay ku baxen ciidanka Koonfur Galbeed Soomaaliya.
Waxa uu sheegay Guddoomiyaha ciidankii Shabaabka ka tirsanaa inay ka carareen qaar ka mid ah hubkii ay wateen, sidaasina ciidamada Koonfur Galbeed ay ugu suuragashay inay gacanta ku soo dhigaan hubkaasi oo uusan sheegin cadadkooda.
“Ciidanka labada dhinac ayaa weerarka qaaday, waxaa u suura gashay in ay gacanta ku dhigaan hub ay ka carareen Al-shabaab, dadka shacabka ah ayaa noo soo sheegay waxa ay ugu yeeraan Zakawaad ayeey dadka ka aruursanaayeen.”Ayuu yiri Guddoomiyaha Diinsoor.
Guddoomiyaha Degmada Diinsoor, waxa uu hadalkiisa intaasi ku daray in Koonfur Galbeed iyo ciidankooda ay ka go’an tahay sidii guluf Millateri oo ka dhan ah Ururka Al Shabaab loogu qaadi lahaa dhamaan deeganada ay ka joogaan Koonfur Galbeed.
Ciidamada Shabaabka ayaanan ka fogeyn Degmooyinka Gobolka Bay oo waxa ay ku sugan yihiin meelo aanan sidaasi uga fogeyn Magaalooyinka waaweyn ee ciidamada Huwanta ay gacanta ku hayaan.
Ugu Dambeyntii, Shabaab kama aysan hadlin hubkaan looga qabsaday Duleedka Degmada Diinsoor ee Gobolka Bay.
Halkan Ka Dhageyso
Wariye Shukri Ismaaciil , Warbaahinta Idale News Online, Baydhabo