Xudur(INO)- Maamulka gobalka Bakool ee dawladda Soomaaliya ayaa manta tababar usoo xiray ciidamo ka badan 1000 Askari oo ka mid noqonaya ciidamada dawladda Soomaaliya ee gobalkaas, isla markaasna ujeedadoodu hada tahay sidii loo furi lahaa wadooyinka uxiran Shabaab ee gobalada Bay iyo Bakool.
Saraakiisha ciidamada ayaa sheegay in ay ciidamadan gudan donaan waajibaadkooda, isla markaasna ay wax kasta noqon doonaan sidii loogi talagalay, isla markaasna la weerari doono meelaha hada ay haystaan kooxda Shabaab ee Soomaaliya.
Shabaab ayaa go’odoon galiyey deegaano badan oo ka mid ah gobalada Baay iyo Bakool, markii ay qabsadeen ciidamada dawladda Soomaaliya oo ay la socdaan Milateriga Itoobiya, waxaana mudooyinkan socday tababaro ciidamo gurmad ufidiya magaalooyinkaas.
Madaxweynaha Koonfur Galbeed Soomaaliya Shariif Xasan Sheekh Aaden ayaa dhawaan ku dhawaaqay in ay si deg deg ah go’odoominta uga saari doonaan deegaanada ay udiideen baabuurtu in ay galaan dhaqdhaqaaqa Shabaab.
Halkan Ka Dhageyso
Idale News Online, Xafiiska Xudur.