Diinsoor ( INO)-Ibraahim Max’ed Nuur Shig Shigow Guddoomiyaha maamulka degmada Diinsoor ee Gobolka aay oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in Ciidamada dowladda KGS Soomaaliya iyo kuwa AMISOM oo is garabsanaya ay howlgallo ka sameeyeen deegaanno hoostaga degmada Diinsoor ee Gobolka Bay.
Meelaha Howlgallada ay Ciidamadu ka sameeyeen ayuu guddoomiyuhu ku sheegay in uu ka mid yahay deegaanka Raaxoole iyo deegaano kale ee hoostaga degmadaasi Diinsoor.
Sidoo kale Guddoomiye Shig Shigow ayaa waxa uu tibaaxay in Ciidamada dowladda Federaalka ay gurmad gaarsiiyeen deegaanadaasi oo horay ay gacanta ku hayeen Xarkada Al Shabaab walow ay haatan iyagu dib ugala wareegeen sida uu hadalka u dhigay.
Inta badan Ciidamada dowladda KG Soomaaliya iyo kuwa AMISOM ayaa howlgallo ka dhan ah Al Shabaab ka sameeya degmada Diinsoor iyo nawaaxigeeda oo horay ay si aad ah ugu xooganayeen Al Shabaab.
Idale News Online, Diinsoor